Ciidamo katirsan birmadka Puntland oo gadoodsan ayaa la wareegay bankiga iyo xafiiska wasaaradda maaliyadda Puntland ee magaalada Qardho.

Saraakiisha ciidamadan hogaaminaysa ayaa ku doodaya inay helin mushaarkooda muddo afar bilood ah, taasina ay sababtay inay shaqada ay hor-istaagaan.

Wariyeyaasha Daljir Qardho oo booqday Bankiga iyo xafiiska wasaaradda maaliyadda Puntland ee magaalada Qardho ayaa kusoo waramaya inaanay saakay wax shaqo ka jirin xarumahaasi oo shaqaalihii loo diiday inay galaan xarumaha.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka Karkaar oo arrintan kusaabsan.

 

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *