Ciidamo gaar ah oo la Wareegay Xarunta Golaha shacabka Muqdisho

Ciidamo katirsan Kuwa ilaalada Madaxtooyadda Muqdisho ayaa Caawa la wareegay Xarunta Barlamaanka ee Magaladda Muqdisho,iyado Ciidmaddas lagu Arkayaay iyago halmar la wareegay Xaruntaas.

Majirto ilaa iyo hadda sababta kadambeysa in Ciidamadan la wareegan Xarunta Golaha shacabka Muqdisho,balse warar Radio daljir helayo ayaa la sheegaya in berito uu qabsoomayo Kalfadhigi caadiga ahaa ee Mudanayaasha Barlamaanka Somaaliya.

Berito oo sabti ah ayaa la filaya in uu qabsoomo kulankii xildhibaanada kuwaas oo ka hadli doona mooshinka lagaso gudbiyaay Guddoomiyaha Barlamaanka Somaaliya Maxamed sheekh Cusmaan (Jawaari) kaas oo xildhibanada qaar mooshin kaso gudbiyeen.

wixi kuso kordha kalsoco Alldaljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Ciidamo gaar ah oo la Wareegay Xarunta Golaha shacabka Muqdisho”

  1. Markaan cadow baa na haya waa amarka dawlada kaliya la qaata.

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com