Ciidamo Dowladda katirsan oo ku dagaalamay Muqdisho

Ciidamo Dowladda katirsan oo ku dagaalamay Muqdisho

waxaa maanta la kala qaaday Ciidamo kawada tirsan Dowladda balse u abaabulnaa hab beeleed, iskuna heysteen dhul ku yaalla Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka dhexmaray oo Gelinkii dambe ee shalay bilawday waxaa ka dhashay Khasaare dhimasho iyo Dhaawac oo kala gaaray labada dhinac, kuwaa oo qaarkood muddo meydadkooda halkaa ay yaaleen.

Dhamme Xuseen Maxamuud Maxamed oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamo katirsan Dowladda, lagana soo diray Wasaaradda Gaashaandhigga oo aanan sidaa ugu fogeyn halka ay labadaan dhinac ku dagaalameen ay kala dhex galeen.

Dhinacyadii dagaalamay ayaa ku kala sugnaa Haanta Dheer iyo Aargada Degmada Dayniile, Ciidamada Dowladda ee Dhexdhexadinta goobta u gaaray ayaa kala qaaday labada dhinac, si ay waan-waan u galaan Odoyaasha dhaqanka labada dhinac ay kasoo kala jeedaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com