Ciidamadii Ururka ONLF oo Jigjiga ka dagay (Sawiro)

Magaalada Jigjiga ee dowladd deegaanka Itoobiya waxaa goor dhawayd ka soo dagtay Itoabiya Airlines, oo siday Ciidamadii Jabhadda ONLF ee xoreynta Soomaali Galbeed,kuwaas oo ka  soo ambabaxay magaalada Asmara ee Caasimadda Ereteriya.

Ciidamadan ayaa mudo sanado ah dagaal kula jiray dowladda Itoobiya , waxaana saldhig u ahayd magaalada Asmara.

Dowladda  Itoobiya iyo Ururka ONLF ayaa dhawaan soo afmeray  colaaddii muddada dheer u dhaxeysay ,waxayna Itoobiya liiska Argagixisada ay ka saartay Ururkan.

 

Ciidamadan ayaa markii ay ka soo dageen garoonka Diyaaradaha ee magaalada Jigjiga waxaa ku soo dhaweeyay maamulka dowladd deeganka Itoobiya , Saraakiisha ciidamada  iyo dadweyne aad ufarabadan oo sitay calanka dowladd deegaanka Itoobiya

Sawiro.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com