Ciidamadii Cadaado ku sugnaa oo banaanka looga saaray magaalada

Ciidamada kalle duwan ee muddooyinkii ugu dambeeyey soo gaarayay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa dibadda loo saaray.

Sida uu warbaahinta u sheegay xildhibaan Mahad Salaad oo katirsan wafdiga baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Cadaado ciidamada ayaa loo saaray si looga hortago dagaalo kadhaca magaalada Cadaado oo uu ka jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda Galmudug.

Waxaa uu sheegay wali inay ku jiraan dadaalo lagu soo afjarayo xiisadda maamulka Galmudug.

Wafdiga xildhibaanada ee ku sugan magaalada Cadaado ayaa horay ugu eedeeyey madaxda dowladda dhexe inay ku lug leeyihiin khilaafka, balse guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa ku eedeeyey xildhibaanada inay ka run sheegin xaaladda dhabta ee khilaafka Galmudug oo keenay xildhibaanada inay xilka ka qaadaan madaxwaynaha Galmudug.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com