Ciidamadda NISA oo xalay la wareegay Madaxtooyada Cadaado

Ciidamadda NISA oo xalay la wareegay Madaxtooyada Cadaado

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ayaa sheegaya in xalay Ciidamo ka tirsan NISA iyo Ciidanka Kumaandoosta Danab ee qeybta 21aad ay la wareegeen Madaxtooyada Cadaado oo ay muddooyinkii u dambeeyay gacanta ku hayeen Ciidamo deegaanka ah.

Howlgalkan ayaa la sheegay inuu hoggaaminayay Sarkaal lagu magacaabo Cabdi Dheere oo dhowaan loo magacaabay Taliyaha NISA qeybta Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay bixisay amarka ay Ciidanka NISA iyo kuwa Danab kula wareegeen xarunta madaxtooyada Cadaado.

Ciidamo deegaanka ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay gacanta ku hayay Madaxtooyada Cadaado, tan iyo markii uu khilaaf soo kala dhex galay Madaxda Galmudug, isla markaana Maamulka Galmudug u qeybsamay labo garab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com