Ciidamadda Nabadsugida DFS iyo kuwa Galmudug oo howlgalo sameyeey (Sawiro)

Ciidamadda Nabadsugida DFS iyo kuwa Galmudug oo howlgalo sameyeey (Sawiro)

Ciidamada Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya iyo Booliska Galmudug ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Baxdo oo kamid ah deegaanada Gobolka Galgaduud.

Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysa qarkood waxaa ay ku sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo,isla markaana looga hortagao dadka looga shakiyo inay falal amni darro ka geystaan deegaankaas.

Dad ku sugan deegaanka Baxdo ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka xalay ilaa saakay uu ka socdo degmada Baxdo iyo tuulooyinka hoostaga,isla markaana uu saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo Ganacsiga.

Saraakiisha Ciidamada NISA & Booliska Galmudug ee howlgalka hoggaamineysa weli ma shaacin dad ay kusoo qabteen howlgalka ay ka wadaan deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu kamid yahay deegaannada ugu amniga wanaagsan gobolka Galgaduud,iyada oo mararka qaar ay howlgallo qorsheysna ka fuliyaan Ciidamada Booliska dowlad goboleedka Galmudug.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com