Ciidamadda Maamulka koonfur galbeed oo Baydhabo howlgalo ka sameyeey

Ciidamadda Maamulka koonfur galbeed oo Baydhabo howlgalo ka sameyeey

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Booliska Maamulka Koonfur Galbed ayaa waxaa ay xalay howlgallo ka sameeyeen qaar ka mid ah Xaafadaha Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxa ay sheegeen in uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo,isla markaana inta badan laga sameeyey xaafadaha Magalada Baydhabo,waxaana holwgalka lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Booliska Koonfur Galbeed ayaa intii ay howlgalka wadeen waxaa mararka qaar ay baaritaano ku sameynayeen guryaha ku yaalla Baydhabo,waxaana dad Baydhabo ku sugan ay sheegeen in intii ay xalay ciidamadu howlgalka wadeen uu saaameyn ku yeeshay Goobaha Ganacsiga qaar.

Ciidamada ayaa dadka ay soo qabteen,waxaa ay ku sameeyeen baaritaano,waxaana qaarkood la geeyey Saldhiga weyn ee Magalada Baydhabo halka dadka qaarkood ay Ciidamada howlgalka sameeyey ay siidaayeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com