Ciidamadda kenya oo burburiyeey Xaruntii shirkadda Hormuud ee Deegaanka Jaldeys.

Ciidamadda kenya oo burburiyeey Xaruntii shirkadda Hormuud ee Deegaanka Jaldeys.

Shirkadda Isgaarsinta ee Hormuud ayaa caawa shaacisay in ciidamada Kenya ay xalay burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ma jiro waxa khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburintan oo loo adeegsaday miinooyin, waxaase burburay dhismihii shirkadda & dhammaan agabkii isgaarsiineed ee ay ku shaqeyneysay xaruntu oo ka koobnaa Dhismo, ​BTS, Links, Motors iyo agabkii kale ee site-ka yiilay. Waxaa sidoo kale waxyeelo xoogan soo gaartay Taawarrada labada ah ee halkaa kadhisnaa iyo Taawarrada Shirkado kale.

Waxaana hadda hawada ka maqan isgaarsiintii Dhoobley, Jaldeys, Diif iyo 7 Site oo ka tirsan magaalada Dhoobley & Tuulooyinka hoos yimaada.

Shirkadda Hormuud oo Maanta warsaxafadeed soo saartay ayaa kaga hadashay arrimahaas si kulul,waxayna dowladda Federaalka iyo beesha caalamkaga ogaysiisay sida gardaradda leh ee dowladda kenya ku burburisay xaruntii shirkadda Hormuud ee degaanka Jaldeys oo degmadda Afdmadow hoostimadda.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka shirkadda Hormuud

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com