Site icon Radio Daljir

Ciidamadda kenya ee Gobalka Gedo oo Qarax lala beegsaday

Qarax khasaare dhaliyay ayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ee qeybta ka ah AMISOM waxaa lagula eegtay degaan ka tirsan gobolka Gedo, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Kolonyadan ciidanka Kenya ah oo marka hore ka ambabaxay deegaanka Faxfax-dhuun ayaa qaraxa waxa uu ku qabsaday meel aan sidaas uga fogeyn degaanka Gerileey.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Ururka Al Shabaab ayaa baahisay in qaraxaasi lagu dilay Laba askari oo Kenyan ah, halka ay ku dhaawacmeen Afar kale oo ka tirsan ciidanka Kenya.

Inta badan Al Shabaab ayaa qaraxyada miinooyinka ah ee wadada dhinaceeda lagu aaso waxa ay degaanada Jubbaland kula eegtaan ciidanka Kenya iyo kuwa Jubbaland, marka ay ku socdaalaayaan degmooyinka mamulkaasi.

Diwaanka Wararka

Radio Daljir

Exit mobile version