Ciidamadda Itoobiya oo duqeyn ku bilaabay Mekelle

Ciidamadda Itoobiya oo duqeyn ku bilaabay Mekelle

Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay in ciidanka dowlada itoobiya ay duqeyn culus ku hayaan magaalada Mekelle ee xarunta Tigray

Fariin dhanka taleefanka ah oo uu u diray wakaalada wararka ee Reuters ayuu ku sheegay in ciidanka dowlada ay duulaan ku bilaabeen magaalada .

Billene Seyoum oo ah afhayeenka xafiiska ra’isulwasaaraha itoobiya ayaa sheegtay in aanay ciidanka dowlada duqeyn doonin dadka rayidka ah.

Waxay sheegtay in badqabka shacabka Tigreega ay tahay ahmiyada koowaad ee dowlada.

Ciidanka itoobiya oo 24 cisho ah dagaal kula jira TPLF ayaa hada kaabiga ku haya magaalada Mekelle ee xarunta tigreega halkaas oo ay ku nool yihiin nus malyuun qof.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com