Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo howlgalo Culus fuliyeey

Ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo howlgalo Culus fuliyeey

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan qeybta 60aad ayaa howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen degaano ka tirsan dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgallada uga fuliyeen wadada xiriirisa Degaanka Deynuuney iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka dhacaan.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa weeraro ay mararka qaar Al-Shabaab ka fuliyaan wadada xiriirisa Degaanka Deynuuney iyo Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha ma sheegin waxyaabo lagu soo qabtay howlgalka, hayeeshee ay sheegeen in amniga Guud ee wadadaas lagu xaqiijinayay, waxaana jiray in howlgalka uu barbar socday howlgal kale oo miinooyinka lagu baarayay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com