Ciidamadda dowladda oo la wareegay degaano dhowr ah

Ciidamadda dowladda oo la wareegay degaano dhowr ah

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay holwgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin dhowr ah oo hoostaga degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo sida la sheegay ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen nay howlgalkooda uu ahaa mid qorsheysan ayna ku doonayeen inay Al-Shabaab uga saaraan deegaannada ay ka maamulaan tuuooyinka hoostaga degmad Qoryooleey.

Mid kamid ah Saraakisha Ciidamada xoogga dalka ee Shabeellaha Hoose ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay inay Ciidamada la wareegeen tuulooyinka,Dharsheenlay, Bandar, Farkeerow, Xera koowaad & Xera labaad oo hoostaga degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose.

Saraakiishu ma sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay howlgalka,waxaana dadka degaannadaas qaarkood ay sheegeen inay mararka qaar maqlayaan rasaas goos goos ah oo ay ridayaan Ciidamada Dowladda.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaannada lala wareegay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay weli halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku doonayaan inay kul wareegaan deegaano kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com