Ciidamadda Dowladda oo Hub kuso bandhigay gobalka Gedo

Ciidamadda Dowladda oo Hub kuso bandhigay gobalka Gedo

Ciidamada Dawlada Soomaaliya qaybta gobolka Geddo ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaari Hub iyo Rasaas u siday Al-Shabaabta ka dagaalanta gobolkaasi.

Sida ay sheegtay Idaacada ku hadashada afka ciidmada xooga dalka Soomaaliya waxa ay ciidamada xooga dalka qaybta gobolka Geddo ay gacanta ku dhigeen Gaari siday hub fara badan oo ay kamid yihiin hubkaas 20 Qori oo Beeka’im ah iyo 55 Sanduuq oo ay ku jiraan Rasaas fara bdan sida kuwa loo adeegsado qoryaha fudud iyo waliba hubka culus waxaana gacanta lagu hayaa shaqsiyaadkii watey hubkaas.

Hubkaan ayaa la sheegay in lagu qabtay Bar Kantarool oo laga galo Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo waxaana Gaariga Hubku saarnaa watey Saddex ruux ku waas oo hadda ku jira gacanta Ciidamada Millatariga.

Kooxda Al-Shabaab ayaa gacanta ku haysa Deegaano badan oo ku yaala Gobalka Gedo,waxayna marar badan Weerareen Ciidamada Dowlada Soomaaliya Iiyo Amiso ee ku sugan Gobalkaas

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com