Ciidamadda dowladda oo degaano kala wareegay Alshabaab

Ciidamadda dowladda oo degaano kala wareegay Alshabaab

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dhinaca kale howlgalkaas waxaa horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali( Najax) ,waxana Ciidamada ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka xarshanleey,sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose.

“Hawlgal aan ku gaarnay deegaanka xarshanleey ee degmada Baraawe halkaas oo kooxda nabad diidka ay ka soo abaabulayeen falal lagu dhibaataynayo shacabka caasimada KGS.waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka sidoo kale waxaan bogaadinayaa ciidamada DANAB oo nabad diidka ka saaray deegaanka ceel saliini ee degmada MARKA ayuu yiri guddoomiye Najax.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in howlgalalda ay Ciidamada Dowladda ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta Al-Shabaab ay ka saarayaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com