Ciidamadda Dowladda oo Alshabaab kala wareegay degaano cusub

Ciidamadda Dowladda oo Alshabaab kala wareegay degaano cusub

Ciidamada Qalabka sida ayaa gobolka Gado ka wada howlgallo Al-shabaab looga sifeynayo deegaannada ay kaga dhuumaaleysanayaan gobolkaas.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Gado Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay Warbaahinta ku hadashay afka Dowladda ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadu ay la wareegeen tuulooyin dadka rayidka ah ay ku dhibaateyn jirtay argagaxisadu oo ay ka mid yihiin Cabdi afeey iyo Baar-macallin oo hoos yimaada degmada Baardheere, iyadoo maleeshiyadii halkaas ku sugneed firxadkeedu uu gaaray tuulooyin kale oo gobolkaas ka tirsan

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in shidaal iyo agab kale oo argagaxisadu ay ka carartay ay la wareegeen Ciidamadu, waxaana uu sheegay in meel walboo ay galaan ay kaga daba tegi doonaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com