Ciidamadda Dowladda iyo Maraykanka oo howlgalo ka fuliyeey Jilib

HomeWararka

Ciidamadda Dowladda iyo Maraykanka oo howlgalo ka fuliyeey Jilib

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in howlgal qorsheysan ay si wadajir ah uga fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iy

Maamulka gobalka Bari oo kaluumaystada uga digay dabaylo xeebaha kuso wajahan (dhegayso/sawiro)
Saraakisha Ciidamada Guriceel oo amaro cusub soo saaray
Wasiirka Amniga XFS oo bogaadiyay Dadaallada Dib-u-heshiisiinta Galmudug (Daawo)

Wararka ka imanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in howlgal qorsheysan ay si wadajir ah uga fuliyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo ciidamo Maraykan ah deegaanka Jilib-Marka ee ku dhow magaalada Marka.

Howlgalka kahor ayaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Droneska ay duqeeyeen saldhigyo ay ururka Al-shabaab k lahaayeen Jilib-Marka.

Ciidamada Kumaandoosta ah ee DANAB ayaa la sheegay inay gudaha u galeen deegaanka Jilib-Marka halkaa oo iskahorimaad uu ku dhex maray xooggaga hubeysan ee Al-Shabaab.

Sarkaal u hadlay ciidamada ayaa sheegay in ay howlgalkan ku dileen ku dhawaad 22 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

“Waxaan ku dilney howlgalkan horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab oo kala ah Abuu Yaasiin Shiikh Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka shabellada Hoose iyo Maxamuud Abuu Xamza.”ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamada howlgalka fuliyay.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen afar gaadiidka dagaalka ah oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: