Ciidamadda Dowladda iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Balcad

Ciidamadda Dowladda iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Balcad

Radio Daljir Wararka ay ka helayo Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu halkaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al Shabaab weerar ay ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa ka dhacay degaanka Gololey oo qiyaastii 7 KM dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Balcad.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com