Ciidamadda Dowladda Federaalka oo degaano ka tirsan Galgaduud la wareegay

Ciidamadda Dowladda Federaalka oo degaano ka tirsan Galgaduud la wareegay

Taliska Qaybta 21-aad ayaa ka qeyb-galey Munaasabad Masuuliyada Amniga Degaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud oo ka tirsan deegaanada Hoostaga magaalada Dhuusamareeb ay kula wareegayeen Ciidamada Booliska Soomaaliyeed si loo Ilaaliyo Nafta iyo Maalka Bulshada Soomaaliyeed, korna loogu qaado sareynta sharciga iyo kala dambeynta .

Deegaankan ayaa dhawaan laga qoray in ka badan 400 oo Askari kuwaas oo ka mid ahaa Boqolaal askari oo dowladdu qarameysay,waxaana Ciidamadaan lagu wareejiyey Ammaanka Ceeldheere u yimid,kadib wadatashiyo ay yeesheen Bulshada deegaanka iyo saraakiisha Ciidamada.

Taliyaha Taliska Qaybta 21-aad ee Ciidamada xoogga dalka Gen: C/Casiis C/Laahi “Qooje” ayaa ku adkeeyey Bulsahda deegaanka in Ciidamada ay gacan ka siiyaan sugida Amniga iyo inay Ciidamada la Shaqeeyaan.

Deegaanka Ceeldheere oo hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horay gacnata ugu haayay Ciidamo hoostaga hoggaanka Ahlusunna,balse hataan lagu wareejiyey amaanka deegaankaas Ciidamo katrsan Booliska Soomaaliya.

Diwaanka
Wararka daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com