Ciidamadda DFS iyo Shabaab oo dagaal ku dhexmaray Bakool

Ciidamadda DFS iyo Shabaab oo dagaal ku dhexmaray Bakool

Dagaalkaan ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab waxa uu ku dhexmaray degaanka Ceel-la heley ee Gobalka Bakool, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaankaas.

G/sare; Warsame Maxamed, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan halka uu dagaalka ka dhacay ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in weerarka ay Al-Shabaab kaga dileen xubno badan,isla markaana ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid.

Taliye Warsame ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan Shabaabkii weerarka kusoo qaaday,waxaana uu u mahad celiyay Shacabka degaannadaas oo uu sheegay inay kaalin ka qaataan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Marka laga soo tago hadalka Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Bakool majiraan wax war ah oo dhankooda kasoo baxay Ururka Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalka degaanka Ceel-la heley ee Gobalka Bakool.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com