Ciidamadda Daraawiishta Puntland ee Sool iyo Nugaal oo uu u soo xirmay tababar la xiriira Xuquuqda Aadanaha (Sawiro)

Ciidamo badan oo ka mid ah millatariga Puntland ee loo yaqaano daraawiishta ayaa maanta loo soo gabagabeeyey layliyo tababar oo la xiriiray dhawrista xuquuqda aadanaha iyo ka dheeraansha tacadiyada, kaasoo muddo afar maalmood ah u socday.

Tababarkaan oo dhawr waji ka kooban ayaa qaybtiisii koowaad lagu soo gabagabeeyey Isniinta maanta ah xerada ciidamada daraawiishtu ku leeyihiin Garowe ee loo yaqaanno 54aad, waxaana tababarradaasi ka faa’idaystay ku dhawaad 1,000 Askari oo ah daraawiisha gobollada Sool iyo Nugaal oo lagu bilaabay wajiga koowaad ee tababarka ilaalinta xuquuqda iinsaanka.

Tallaabadaan xuquuq ku tababatid ee ciidanka, waxaa xafiiska daraawiisha Puntland ka gacansiiyey hay’adda UNSOM ee golaha loodhanyahay Jumciyadda Qaaruumaha Midoobay.

Inkasta oo fududaynta tababarkaan ay lahayd hay’adda UNSOM, misna casharrada layli ee ciidanka waxaa bixinaayey saraakiil ciidanka daraawiishta ah oo horay iyaga loogu tababaray xuquuqul iinsaanka, kuwaasi oo laftigoodana ay tababartay isla hay’addaan UNSOM.

Sida ay Radio Daljir u xaqiijiyeen saraakiil ciidanka daraawiishta ah, waxaa lagu wadaa marka ciidamadaan ku tababartay wajiga koowaad ee xuquuqul iinsaanku ay ku laabtaan goobahooda in ciidamada daraawiishta ee gobollada kale iyana loo bilaabo tababarid ilaalinta xuquuqda aadanaha ah.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Ciidamadda Daraawiishta Puntland ee Sool iyo Nugaal oo uu u soo xirmay tababar la xiriira Xuquuqda Aadanaha (Sawiro)”

  1. hassan mohamed ahmed

    ciidankan waxaad moodaaa ciidan qabiil oo in lajoogo waqtigiii caydiid iyo muuse suudi yalaxow , looma baahna sidaa wwaa inay dawlada puntland iyo dhamaan somaalida kale sidan wax ka badashaaa

U Jawaab hassan mohamed ahmed Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com