Ciidamadda Badda Somaaliya oo dib u habayn lagu sameyeey

Taliyaha Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliya Admiral Cabaas Amiin Cali ayaa ka warbixiyay dib u habeyn ballaaran oo lagu sameeyay Ciidamada Badda.

Admiraal Cabaas ayaa tilmaamay in labadii bil ee u dambeysay hoggaanka ciidanka badda oo kaashanaya Taliska Ciidanka Xoogga ay sameeyeen qorshooyin muhiim ah oo lagu dardargalinayo shaqooyinka ciidanka badda.

“Anaga oo fulineyna mas’uuliyadda uu Madaxweynuhu noo igmaday iyo tilmaamaha na horyaala waxaan bilownay in aan dib u habeyn ballaaran ku sameyno ciidanka oo ay ka mid yihiin qalabeyn iyo tababarro”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Badda.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Badda ayaa sheegay in qalabeynta iyo dib habeynta ciidanka ay gacan ka geysanayaan qaar ka mid ah dowlaha taageera Soomaaliya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in si deg deg ay u soo celin doonaan shqooyinkii looga bartay ciidanka Badda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com