Ciidamadda Amniga Muqdisho oo soo gabagabeyaay Weraarkii Wasaaradda Amniga

Ciidamadda Amniga Muqdisho oo soo gabagabeyaay Weraarkii Wasaaradda Amniga

Kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada ammaanka ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo afjaraan weerarkii Alshabaab,ay ku qaadeen xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha,taasi oo ku taala meel u dhow isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa soo bad baadiyay dad ku sugnaa goobtaasi markii uu weerarka dhacayay,haatan xaaladda ayaa ku soo noqotay caadi,waxaana soconaya gurmad loo fidinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay.

Waxaa jira qasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dad shacab ah,ciiamo iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya,iyada oo dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi lagu dabiibayo xarumaha caafimaad.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarka qaraxyada ku bilaawday ee lagu qaday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 6 years ago

    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ALSHABAB=AMERICAN TOILET PAPER.
    CIA,MI6, MOSSAD ARE ISIS.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com