Ciidamadda AMISOM oo dad shacab ah toogtay

Muqdisho Warkaka naga soo gaaraya gaar ahaan degmada Heliwaa ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan AMISOM gelinkii dambe qarax lagula eegtay halkaasi.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka deriska la ah Heliwaa ayaa ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan inuu dhacay markii ay gudbeen kolonyada ciidanka AMISOM, islamarkaana aanay jirin khasaare soo gaaray.

Ciidanka AMISOM ayaa qaraxa kadib waxay rideen rasaas fara badan oo uu ku geeriyooday qof rayid ahaa oo mararayay agagaarka qaraxa uu ka dhacay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com