Ciidamadda Amaanka Boosaaso oo Maanta Xiray Wariye Cumar Dheere (dhegayso)

Ciidamadda Amaanka Boosaaso oo Maanta Xiray Wariye Cumar Dheere (dhegayso)

Waxaa Maanta lagu xiray Caasimadda Ganacsiga Puntland ee Boosaaso Wariye Cumar Maxamed Cumar dheere oo kamid ahaa Wariyaasha Puntland,sido kalena kamid ahaa Gudiga joogtada ah ee Ururka Warbaahinta Puntland ee Map.

Maxamed Maxamuud (Wellcome) Guddoomiye ku xigeenka Map oo Waraysi siyeey Radio Daljir ayaa sheegay in ay cambaraynayan Xariga Cumar ,hadu ku yimid sifo sharci darro,iyado Wararka qaar sheegayan in Wariyahaas lagu xiray Waaran Maxkamadeed.

Wariyaha ayaa la sheegay in Maamulka Gobalka Bari uu Waaran Maxkamadeed kaso gudbiyeey ,waxaana la sheegay in uu jiray khilaaf u dhexeyeey Wariye cumar dheere iyo Maamulka Gobalka Bari.

Welcome Ayaa sheegay in Saldhiga Bartamaha Bosaaso lagu Xiray Cumar dheere lagana qabtay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ,Xiligaas oo uu War ka diyaarinayeey dhalinyaro Ciyaartooy ah oo ka imaanayeey Dalka Dibadiisa.

Maxamed Lakiman Ayaa Waraystay Wellcome

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com