Site icon Radio Daljir

Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay deegaanka Hoos taga Gobalka hiiraan

Ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka oo is kaashanaya ayaa xalay Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.

Deegaanada laga saaray Al-shabaab ayaa waxaa ka mid ah Xarar-lugoole iyo Fidow oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay howlgalka Al-shabaab looga saaray deeganadaasi sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Exit mobile version