Ciidamada Somaliland oo weerar ku soo qaaday Buuhoodle iyo xaaladda oo aad u kacsan.

Buhodle,Jan 15 – Ciidamo katirsan maamulka Somaliland ayaa saaka gudaha u galay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn,kadib dagaal xoogan oo dhexmaray shacabka deegaanka iyo ciidamada Somaliland.

Wararka Radio Daljir uu ka helayo magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ay sheegayaan la wareegitaanka ciidamada Somaliland ee degmada Buuhoodle inay ka dambeysay ka gadaal dagaal saacado badan qaatay oo ciidamo deegaanka Buuhoodle iyo kuwa Somaliland ku dhexmmaray deegaanka Sool Joogto oo qiyaastii 30 km dhanka bari ka xigta magaalada Buuhoodle.

Lama oga inta uu la?oga khasaaraha dhabta ah ee ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka Buuhoodle kasoo gaaray dagaalkan,waxaana xaaladda magaalada ay tahay mid aad u kacsan.

Madaxwaynaha maamulka Somalilan Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maalintii shalay kasoo horjeestay go’aankii kasoo baxay shirka Khaatumo2 ee kasocda degmada Taleex oo ay ka mid ahayd gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn inay beelaha deegaankasi u samaystaan maamul goboleed ka madaxbanaan Puntland iyo Somaliland.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.


Dagaal u dhaxeeya Soomaaliland iyo dadka gobolka Cayn oo ka socda Buuhoodle iyo khasaaraha ka dhashay oo aan wali caddayn.

Buuhoodle, Jan 15 ? Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidamada maamulka Soomaaliland iyo dadka deegaanka gobolka Cayn ayaa haatan ka socda magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Dagaalka oo bilawday xilli dhaw ayaa ka curtay deegaanka Sool-joogto oo qiyaastii 30KM u jirta magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn, sida ay noo xaqiijiyeen ila-wareeddo kala duwan oo aan kala xiriirnay Buuhoodle, inkastoo wakhtigii dambana la jaray isgaarsiinta Buuhoodle.

Dagaal ayaa warar ku tilmaamayaan in uu u soo siqay dhinaca magaalada Buuhoodle oo ay isla soo galeen labadii dhinaca ee dirirtu u dhaxaysay, waxaan haatan wararka ugu dambeeyey ay sheegayaan in ay xabbaddu ka dhacayso gudaha magaalada.

Ma cadda dagaalkaasi iyo siyaabaha uu ku bilawday iyo khasaaraha illaa haatan ka dhashay, hase ahaa waxaa la tilmaamayaa in gudaha magaalada laga maqlayey hubka culculis iyo midka fudud intaba.

Dagaalka saaka ayaa timid xilli shalay maamulka Soomaaliland uu shir-qool abaabul ku tilmaamay shirka ka socda degmada Taleex ee gobolka Sool, kaasoo ah wadatashi beeleed oo ay leeyihiin beesha Dhulbahante ee degta gobollada SSC la isku yiraahdo, waxaana Soomaaliland ku caga-juglaysay in aysan u dulqaadan karin waxa ka socda Taleex.

Diiwaanka wararka,
Daljir Galkacyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com