Site icon Radio Daljir

Ciidamada Sirdoonka iyo Nabdsugidda NISA oo qabtay lacag been abuur ah

Qoraal kasoo baxay hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay howlgal qaatay muddo lix saacadood in lagu soo qabtay lacag been abuur ah oo isugu jirta Doolar iyo Euro.

Lacagtan ayaa laga qabtay garroonka diyaaradaha ee Muqdisho xilli lasoo dajinayay.

NISA ma sheegin magacyada shaqsiyaadka watay, waxaana bishaan tobankeeda ay ahayd markii la qabtay shabakad dhaqda doolarka Mareykanka, si been abuur ahna ugu samaysa Muqdisho.

Exit mobile version