Ciidamada PSFta Puntland oo duleedka Bosaaso ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab (Sawiro)

Ciidanka Amniga  ee sida gaarka ah u taba baran ee Puntland ,loona yaqaan  PSFta ayaa  howlaglo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay ka fuliyeen deegaano katirsan gobolada Bari ,Sanaag iyo Mudug .

Ciidamada ayaa sheegay in ay bur buriyeen saldhigyo ay Al-shabaab iyo Daacish ay ku lahaayeen deegaanada kala ah  .

Madarshoon, Karin Xagarood, Mariidle, Diindigle iyo Harweyn  oo katirsan Buuraha Cal Madow  qiyaastiina 53km kaga beegan dhanka Koonfur galbeed magaalada Bosaaso.

Saraakiisha ciidamada hogaaminaysa ayaa sheegtay in howlgalkan lagu dilay ilaa iyo ku dhawaad 15 xubnoon oo Al-shabaab ka tirsan .

Ciidamada ayaa sidookale howlago  ka waday maalmahan magaalada Gaalkacyo waxa ay ku soo qab qabteen  howl galkan xubno katirsan kooxda Al-shabaab.

Sawiro.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com