Ciidamada PSFta oo howlgalo ka sameeyay Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari

Ciidamada PSFta oo howlgalo ka sameeyay Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari

Ciidanka amniga Puntland ee (PSF) ayaa howlgal qorshaysan waxa ay xalay ka fuliyeen buuraleyda degaanada Gol-cadaabeed iyo Moqor oo kamid ah buuraha Cal Miskaat oo Bosaaso kaga toosan dhanka koonfur bari una jrta 80 kmtr.

Ciidamada ayaa deegaankaasi ku weeraray saldhigyo ay kulahaayeen kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraha.

Sarkaal katrsan ciidamada PSF ayaa Daljir uxaqiijiyay in weerarkma ay ku dileen shan kamid ah malayshiyaadka Argagixisada ee Daacish,waxayna ciidamadu ku soo furteen weerarkaasi hub iyo gaadiid oo ay goobta uga carareen.

waxa uu sheegay sarkaalkan in howlgaladan ay qayb kayihiin hawlgallo joogto ah oo ay muddooyinkan dambe ciidanka PSF ay ka wadeen buuraleydaas si looga sifeeyo degaanadaas kooxaha argagixisada ah ee damacoodu yahay gumaadka iyo waxyeelaynta shacabka reer Puntland.

Horaantii bishan ayay ahayd markii diyaarad nooca aan duuliyaha lahan ay ku dishay deegaankaasi saddax kamid ah kooxda Daacisho.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    ADEER YAAN SHACABKA BEEN LOO SHEEGIN AY SABABTU TAHAY
    CIIDAMADA BSF & ISIS & ALSHABAB SEDEXDUBA WAA ILMO CIA.WAXAYNA U DAAQAYAAN WAA MARAYKAN.
    WAANA KUWA MACDANTA UGA GURA BUURAHA SANAAG.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com