Ciidamada (PSF) oo howlgalo ku diley rag ka tirsan Daacish

Ciidamada (PSF) oo howlgalo ku diley rag ka tirsan Daacish

War ay soo saareen ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalada ay ku dileen xubno ka tirsan Daacish kuwaasoo miino ku aasayay wadada isku xirta Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari.

“Xubnaha ay ciidamada PSF dileen waxaa ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor, laguna baahiyey barta Internet-ka” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay ciidamada Puntland.

Ciidamadu ma sheegin tirada dagaalamayaasha Daacishta Soomaaliya ee ay howlgaladan ku dileen.

Dhawaan ayay ahayd markii uu ka badbaaday wasiirka amniga Puntland iyo mas’uuliyiin qarax Miino oo loogu aasay deegaanka Balidhidin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com