Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo Gadooday

Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo Gadooday

Wararka ka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya inay gadood sameeyeen saaka Ciidamada Madaxtooyada Puntland , kuwaasoo ka cabanaya mushaar la’aan heysata muddo dhowr bilood ah .

Ciidamadan ayaa waxa ay xireen dhamaan wadooyinka soogala Madaxtiiyada Garoowe, waxaana hakad galay shaqooyinkii maalinlaha ahaa ee wasaaradaha dowladda .

Shaqaalaha dowladda ayay ciidamadu ka celinayeen in ay galaan xarumaha dowladda.

ilaa iyo hada majirto wax war ah oo ka soobaxay Madaxda ugu saraysa Puntland .

Ma aha markii ugu horaysay oo ay gadood sameeyaan ciidamada Puntland , sanadkan gudihiisa ayay ahayd markii ciidamada Daraawiishta ee kusugan deegaanka Af-ur ay ka gadoodeen mushahar ka maqnaa bilooyin.

 

Daljir kala soco wixii ku soo korha warkan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com