Ciidamada Liyuu Booliska oo xiray boqolaal ruux magaalada Qabri-dahar

Ciidamada Liyuu Booliska oo xiray boqolaal ruux magaalada Qabri-dahar

Ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad degaaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa xiray inka badan boqol ruux oo ku sugan magaalada Qabri-dahar kadib kacdoon ay ka sameeyeen dilka gabar u dhaqdhaqaaqi jirtay arimaha haweenka iyo xuquuqda aadanaha oo dhowaan geeriyootay.

Dilka Teysiir Cumar Food ayaa la sheegay inuu yimid waxyar kadib markii ciidamada booliska ay xireen, lana dhigay xabsi, waxaana boolisku uu sheegay inay iyadu is daldashay, halka eheladeeda ay sheegayaan in lagu dhuftay todobo xabo oo boolisku dileen.

Xiisadda dilka Tayasiir ayaa laga dareemayaa magaalada Qabri-dahar, waxaana boolisku ay xireen todobo boqol oo ruux oo kacdoon dibadbaxyo watay ka dhigay magaalada, waxaana sidoo kalle lagu soo rogay bandow.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    WAA ARIN FOOLXUN.
    SL & JL GABDHAHA WAY XIRAAN LKN KILILKU WUU DILAA! CAJIIB.
    DUMARKA SOMALIYED XARIG & DIL MA GEYAAN.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com