Ciidamada Koonfur galbeed oo soo bandhigay hub howlgal lagu soo qabtay (Sawiro)

Ciidamada Koonfur galbeed oo soo bandhigay hub howlgal lagu soo qabtay (Sawiro)

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee ku sugan Degmada Berdaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen hub farabadan iyo Agab kale.

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ka sameeyeen Deeganka Moorawarabe oo 20-KM u jirta Degmada Berdaale,isla markaana ay beegsadeen Xarumo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Degmada Berdaale Maxamed Isaxaaq Aracase ayaa soo bandhigeyay Rasaasta loorar ay lacag Shillin Soomaali ah ku jirtay iyo Agab kale,iyaga oo sheegay inay kala wareegeen Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in Al -Shabaab Deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Baay ay ka saari doonaan gaar ahaan kuwa hoos yimada Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com