Ciidamada Kenya oo ka baxay Baardheere

Ciidamada Kenya oo ka baxay Baardheere

Ciidamada Kenya oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee nabad ilaalinta Soomaaliya ayaa isaga baxay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya kahor inta aanay bixin in hawada laga saaray isgaarsiintii degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidamada Kenya ayaa tan iyo sanadkii 2015kii ka howlgalayay degmada Baardheere iyaga oo ay wehliyaan ciidamada militariga Soomaaliya iyo Itoobiya.

Lama oga sababta ka bixitaan ee ciidamada Kenya ee degmada Baardheere oo horay uga mid ahayd deegaamadii ay ka talinayeen ururka Al-shabaab.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com