Ciidamada Kenya iyo kuwa dawladda Federaalka oo qabsaday degmada Buur-gaabo ee gobolka J/hoose.

Buur-gaabo, Oct, 28 – Ciidamada dawladda Kenya oo laba todobaad ka hor soo galay dalka Soomaaliya oo ay weheliyaan ciidamada dawladda Federaalka iyo kuwa ururka Raas-kambooni ayaa maanta si buuxda ula wareegay degmada Buur-gaabo ee gobolka Jubbada hoose.

La wareegista maanta ayaa ku timid dagaal aan dhiig badani ku daadan oo halkaasi ka dhacay, balse afhayeen u hadlay dawladda Kenya ayaa sheegay inay markii ugu horreysay iska caabbin kale kulmeen xoogagga Al-shabaab ayna halkaasi ku dileen 9 ka tirsan dagaal yahanka Shabaabka.

Diyaaraha dagaalka ee dalka Kenya ayaa ilaa shalayba halkaasi ka waday duqeymo xooggan oo ay ku bartilmaameedsanayeen goobaha ay ku tuhmayaan in Shabaabku Degganyihiin.

Degmada Buur-gaabo ayaa 140 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada xarunta ah ee Kismaayo, waxaana warar hor dhac ah ay sheegayaan in ciidamadaasi huwanta ah ay kusii jeedaan magaalada dekedda ah ee Kismaayo. Afhayeen u hadlay Al-shabaab Mukhtaar Roobaw ?Abau-mansuur ? ayaa shalay sheegay in haddii ay xiranto degadda Kismaayo ay dhaqaale ka raadsan doonaan dalka Kenya.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com