Ciidamada Jubbaland oo deegaamo horleh ka qabsaday Alshabaab.

Kismaayo, Sep 09 2016–Ciidamada Daraawiishta ee Jubbaland ayaa saaka lawareegey deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada kismaayo qiyaas ahaana ujira 60KM.

Deegaanka Cabdalla Biroole ayaa saldhig wayn u ahaa maleeshiyada nabad diidka ah ee Alshabaab oo dadka shacabka ee deeganadaas degan dhibaato xoog leh ku hayey.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom oo iskaashanaya ayaa saaka Tuulada cabdalla biroole si nabad galyo ah kula wareegey kadib markii ay Alshabaab isaga bexeen , ayadoo halkaasi ay dadka deegaanku sidiiran ugu soo dhaweeyeen Ciidamada.

 

Lawareegida gacan kuhaynta deegaanka Cabdalla biroole ayaa bilow u ah hawlgalka loogu magac darey wabiga-Jubba ee deegaanada Jubbaland lagaga sifeynayo maleeshiyada Alshabaab ayadoo dhabar jab weyn ku ah deegaanada maanta gacantooda kabaxey.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa horey u ballan qaadey inay sida ugu dhakhsiyaha badan u bilaabayaan hawlgalka wabiga-Jubba asagoo ugu baaqey dhalinta la  marin habaabiyey inay iskaga soo baxaan duurka deegaanadoodana si nabad ah ugu soo laabtaan.

Shaley arbacadii ayay ahayd markii ay 3 kamid ahaa maleeshiyada Alshabaab isu soo dhiibeen ciidamada Jubbaland ayagoo wata gaari ay kala soo baxsadeen Alshabaab kuwaas oo kismaayo lagu soo dhaweeyey laguna xareeyey xarunta dhaqan celinta dhalinta la habaabiyey ee kasoo xaroota nabadiidka.

ugu danbeyn ciidamada Jubbaland ayaa deeq raashin ah gaarsiiyey shacabka deegaanka Cabdalla biroole xilli ay aad ugu baahnaayeen una go,doonsanaayeen maleeshiyada naxariista daran ee Alshabaab.

http://daljir.com//resources3/images/unnamed%20(1)(2).jpg

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com