Ciidamada huwanta oo ka soo degay xeebta Kismaayo iyo dagaal cir, dhulka iyo badda oo bilowday

Kismaanyo Sep 28-Ciidamada huwanta ayaa si lama filaan ah saaka waabarigii dhanka badda uga yimid, markii maraakiib dagaal oo soo gaaray xeebta magaalada Kismaayo ay ka soo degeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM.
?
Sida ay sheegayaan wararka dagaalo iyo duqeymo ayaa durba saaka ka qarxay magaalada Kismaayo, iyadoo diyaarado dagaal oo dul heehaabaya magaalada ay duqeynayaan furimaha dagaalka ee Al-Shabaab ku leeyihiin waqooyiga magaalada.
?
Xaalad jahwareer ah ayaa ka jirta magaalada, iyadoo dagaalka ka socda meel 8-KM u jirta magaalada oo dhinaca xeebta ah, waxaana magaalada ku dhacaya duqeymo, halka si weyn looga maqlayo hugunka madaafiicda.
?
Ciidamada huwanta ayaa ilaa 4-markab dagaal ku yimid, si ay dhanka badda uga weerareen magaalada Kismaayo, waxaana saraakiil ka tirsan dowladda ay sheegeen inuu bilowday dagaalkii dhanka badda.
?
Dad ku sugan magaalada ayaa sheegaya in Ciidamada ay soo galeen barriga, kana soo talaabeen badda, isla markaana dagaalka haatan uu bilow yahay, balse duqeynta ay si xoogan u socoto.
?
Wararka ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay tahay nin iyo qori, isla markaana saraakiisha Shabaab ay ku wargeliyeen dadka magaalada inay dagaalamaan, si loo difaaceen.
Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa daaraha magaalada saartay qoriga lidka diyaaradaha oo ay ku ridayaan diyaaradaha magaalada dul heehaabaya ee kolba madaafiicda ridaya.
?
Idaacada ku hadasha Afka Shabaab ee Al-Andulus ayaa dagaalka tabineysa, iyadoo idaacada ka hadleen saraakiisha Shabaab oo sheegay in labo markab dagaal ay soo caarisay, isla markaana ay ciidamo badan ka soo dejisay, kuwaasoo difaacyo ka galay buuraha u dhow xeebta.
?
Saraakiisha Shabaab ayaa u sheegay dadweynaha inay soo qaniimeystaan agab kasta ee ku jira maraakiibta soo caariyay ee ku sugan xeebta magaalada.
?
Diyaaradaha duqeynta fulinaya ayaa la sheegay inay hawada ka taageerayaan ciidamada badda ka soo galay, waxaana diyaaradaha isugu jiraan kuwa Miiga iyo kuwa qumaatiga u kaca.
Jawiga magaalada ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoo dadka deegaanya ay argagax ka muujiyaan duulaanka badda iyo cirka ee saaka lagu soo qaaday magaalada Kismaayo.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com