Ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab oo dagaal dhimasho badan dhaliyey ku dhexmaray Af-madow

Af-madow, Aug 7, 2013 – Khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa ururka Al-shabaab oo ka dhacay Afmadow ayaa sii kordhaya, waxaa la soo sheegayaa in ay dagaalkaasi ay ku dhinteen 10 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah.

Dagaalka ayaa xalay goor dambe ka bilowday banaanka Afmadow, waxaana uu u dhexeeyey ciidamada Jubbaland oo taageero ka hela kuwa Kenya iyo weliba ururka Al-shabaab ee ka dagaalama koonfurta dalka Soomaaliya.

Afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar wuxuu sheegay in dagaalku ahaa mid ay ururku soo qaadeen, wuxuuse sheegtay in ay dileen dagaal yahano ka tirsan ururkaasi oo uu ku jiro nin Ajinebi ah oo ka garab dagaalamayey.

Goobjoogayaal ku sugan Afmadow ayaa saxaafada u xaqiijiyey khasaaraha guud, balse waxaan ilaa hada la xaqiijin karin sida khasaaruhu u soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, tirada dhaawaca ayaa la sheegayaa in ay iyaduna aad u badan tahay.

Afmadow oo 120km, ?ka fog Kismaayo kuna taala Jubbada Hoose waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda Kenya oo taageera kuwa Jubbaland, waxaase marar badan ku soo noq noqday dagaalada dhexmara iyaga iyo Al-shabaab.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com