Ciidamada Eritariya oo ka baxay magaalooyinka Adwa iyo Aksum oo kamid ah gobolka Tigray

Ciidamada Eritariya oo ka baxay magaalooyinka Adwa iyo Aksum oo kamid ah gobolka Tigray

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidamada Eritariya ay ka baxeen goobo ay kaga sugnaayeen Adwa iyo Aksum oo ka tirsan gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya.

Goobjoogayaal ku sugan magaalooyinka Adwa iyo Aksum ee gobolka Tigray, ayaa Warbaahinta u sheegay inay arkayeen Ciidamada Eritariya oo wata gawaadhidooda kala duwan ee dagaalka oo kasii baxaya gobolka Tigray, iyagoo ku dhawaaqaya hal ku dhegyo ay kamid yihiin ” Eritariya way guuleysatay”.

Marar kala duwan oo hore ayaa sidan oo kale lasoo sheegay in Ciidamada Eritariya ay ka baxeen gobolka Tigray, balse markan waxaa la sheegayaa inay yihiin ciidankii u badnaa ee Eritariyaan ah ee ka baxa gobolka Tigray, iyadoo sidoo kale lasoo sheegayo in goobaha ay baneeyeen Ciidamada Eritariya ay yimaadeen Militariga Itoobiya.

Ciidamada Eritariya ayaa muddo labo sano ah ka barbar dagaallamayay kuwa Itoobiya oo dagaal ba’an kula jiray TPLF, iyadoo Eritariya lagu eedeeyay inay gabood fallo kala duwan ka gaysatay gobolka Tigray mudadii uu socday dagaalku.

Eritariya ayaa eedaymahaa loosoo jeediyay ku tilmaantay kuwo aan waxba ka jirin, sidoo kalena aan marna soo hadal qaadin kaalintooda ay ku lahaayeen dagaalka u dhaxeeyay TPLF iyo dowladda Itoobiya ee dhawaan lasoo afjaray.

Wali dowladda Itoobiya, Eritariya iyo TPLF midna kama hadlin bixitaankan u dambeeyay ee ay Ciidamada Eritariya ka baxeen magaalooyinka Adwa iyo Aksum ee gobolka Tigray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com