Ciidamada dowladda,AMISOM iyo Al-Shabaab oo ku dagaalamay Muqdisho

Muqdisho,Feb 6 -Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa habeenkii xalay dagaallo wada jir ah la galay kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii dagaalyahano Al-Shabaab katirsan ay soo weerareen fariisimo ay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ku leeyihiin degmooyinka Hiliwaa iyo Yaaqshiid.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa iska caabiyay weerarka ay Al-shabaab kusoo qaadeen fariisimahooda,waxaana dadka degan goobaha ay dagaaladu kadhaceen sheegeen inay cabsi xoogan ay ku beertay dagaaladan.

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalka uu gaystay ayaa ilaa iminka aan la cadayn.

Ururka Al-Shabaab oo horay looga saaray deegaanada gobolka Banaadir ayaa hadana waxaa wali ay ka sii wadaan magaalada Muqdisho weeraro ay kusoo qaadayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bosaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com