
Berdaale, December 29, 2013 – Meleteriga dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay dhowr deegaan oo hoostaga degmada Berdaale ee gobolka Baay.
Ciidamada ayaa howl-gal aan dhiig ku daadan kula wareegay deeganada Moore Waraabe, Walaq iyo Is-koris oo dhamaantood hoostaga Berdaale, sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dowladda.
Maxamed Qaracase duqa degmada Berdaale ayaa sheegay in howl-galkan uu qayb ka yahay qorshe ay bilaabeen iyaga ciidamada Itoobiya, kaas oo gobolka looga saarayo kooxda Al-shabaab.
Ururka Al-shabaab oo gacanta ku hayey deeganada ay la wareegeen ciidamada dowladda ilaa hadda kama aysan hadlin, waxaase dhowr jeer oo hore dhacay dowladu samaysay howl-galla kan la mid ah
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
FAALLOOYIN & FALCELIN