Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano hor leh oo ka tirsan Shabeelaha Hoose

Ciidanka Xoogga dalka ayaa isku balaariyey deegaanno badan oo hoos taga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo ay ka wadaan howlgallo lagu beegsanaayo cadowga kooxaha argagixisada.

Sargaal kamid ah Ciidanka Xoogga ee ku sugan Awdheegle ayaa sheegay in laga soo bilaabo shalay galinkii hore illaa maanta Ciidanku ay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka wadaan deegaanno hoostago Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

wareegeen deegaano badan kana kamid ah degmada Awdheegle.

Shalay ayey isku dayeen Argagaxisada Al Shabaab inay weerar ku qaadaan Fariisinka Ciidanku ku leeyihiin degmadaas iyagoo halkaas kala kulmay jawbeyn.

Taliyaha Ciidanka Luqta General Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Maydadka Al Shabaab daadsan yihiin Bartamahaa Magaalada sidoo kale gacanta ku dhigeen Maleeshiyaad u dagaalamayey Shabaabka.

Qaar kamid ah Dhaawacyada Al Shabaab ee dagaalkii shalay ayay xoogagii ka dhaawacmay waxa ay ku dhameystireen goobtii ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ku guul dareysteen in Dhaawacyadooda qaateen.

Xaaladda Magaalada Awdheegle ee Shabeellaha Hoose ayaa dagan iyadoona halkaas siwanaagsan Ciidanku shaqooyinkooda u heystaan.

Maleeshiyaadka Al Shabaab iyo Horjoogayaashooda ayaa ku dhuumaaleysta Dhulka Keymaha ah iyagoona hadba isaga sii carara halka ay Ciidamadu gaareen.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com