Ciidamada dowladda oo Jalalaqsi ku dilay 30 ka tirsan Maleyshiyaadka Al-shabaab

Ciidamada dowladda oo Jalalaqsi ku dilay 30 ka tirsan Maleyshiyaadka Al-shabaab

Wararka ay warbaahinta Daljir ay ka helayso degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiraan ayaa sheegaya in ciidamada dawlada Soomaaliya ay ku dileen 20 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab hawlgalo ay kasemeyeen wadada u dhaxaysa Buula Burde iyo Jalalaqsi

Maleeyshiyada Al-shabaab oo watay gaari Bas ah ayaa waxaa wadada u galay ciidamada dawlada halkaas oo ay ku dileen dhamaan xubnihii ka tirsana Al-shabaab ee gaarigaasi saarna sida laga so xigatay Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi ee Gobolka hiiraan

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyadaas lagala wareegay hub ka kooban 18qori oo nooca gacanta ah iyo rasaas Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in ay Warbaahinta uso bandhigi donaa qalabkaas wati dhaw

Waxaan balan qaadaynaa inaanu sii wadi doono hawgalada ka dhan ah Al-shabaab waxaa sidaasi yiri Gudoomiyaha Degmada Jalalqsi ee Gobolka Hiiraaan

Saynab Cabdinuur Maxamed,Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com