Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, Itoobiya iyo Al-Shabaab oo kadhacay deegaan ka mid ah G. Bakool

Xudur, May 09 – Dagaallo xoogan oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyay ayaa lagu soo waramayaa galabta inuu ku dhexmaray deegaanka Abaq-gedey oo 18 km u jirta degmada Xudur ciidmada dowladda KMG Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Itoobiya iyo ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa inuu ku bilowday weerar ay ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku qaadeen fariisimo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku leeyihiin tuulada Abaq gadey.

Xildhibaan Axmed Mashruuc oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya, kana mid ah saraakiisha dagaalka hogaaminaysa ayaa sheegay dagaalka inay ku dileen 10-ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay dhankooda inuu jiro dhaawaca sadex qof, ururka Al-Shabaaab kama uusan hadlin dagaalka.

Xaaladda goobaha ay dagaaladu ka dhaceen ayaa lagu soo waramayaa xiligaan inay degantahay, inkastoo ay weli jirto baqdin lagu qabo in dagaalka uu mar kale dib u bilowday.

Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com