Ciidamada dowladda iyo maleyshiyaadka Al-shabaab oo ku dagaalamay degmada Awdheegle

HomeWararka

Ciidamada dowladda iyo maleyshiyaadka Al-shabaab oo ku dagaalamay degmada Awdheegle

Ciidamada Xoogga dalka ee Kumaandooska ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka wada tuulooyin dhowr ah, si ay u xaqiijiyaan amniga degm

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Warka DDM iyo Wariye Xaawo Axmed Maxamed Garoowe (Daawo)
Ra’iisal Wasaare Xamse oo qaabilay Safiirka Cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Ciidamada Xoogga dalka ee Kumaandooska ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka wada tuulooyin dhowr ah, si ay u xaqiijiyaan amniga degmada Awdheegle oo maalmo ka hor la wareegeen Ciidamada.

howlgaladan ayaa ka dhacay Tuulooyin ay ka mid yihiin Shaam iyo kuwa kale, waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay Al-Shabaab ku gaarsiiyeen khasaare xooggan.

Taliyaha Ciidamada dhulka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in Al-Shabaab khasaare xooggan ku gaarsiiyeen howlgalkii ka dhacay Tuulada Shaam, waxaana uu xusay inay sii socon doonaan.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo Ciidamada qorsheynayaan inay duulaan ku qaadaan deegaanada Al-Shabaab maamulaan ee ka tirsan Gobolkaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: