Site icon Radio Daljir

Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaalamaya Shabeelada hoose

Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ayaa dagaal xoogan oo u dhaxeeya waxaa uu iminka kasocdaa deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho, dhacdana wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Dagaalka ayaa yimid kadib weerar ay soo qaadeen ururka Al-shabaab oo weeraray fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in la maqlayo rasaas culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan, waxaana hakad kujira isku socodka gaadiidka ee Muqdisho iyo Afgooye.

 

Exit mobile version