Ciidamada dowlada iyo Alshabaab oo ku dagaalamaya gobolka Galgaduud

Ciidamada dowlada iyo Alshabaab oo ku dagaalamaya gobolka Galgaduud

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoog leh oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo dagaalamayaasha Alshabaab uu ka bilowday deegaan ka xiga dhinaca koofureed magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug

Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor iyo ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen degaano ku yaal inta udhaxeysa Tuula-xaayow iyo Ceel-dheere oo jihada koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Dagaal xoog leh ayaa la sheegay inuu ku dhex marayo halkaas labada dhinac iyadoo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga illaa hadda qasaaraha ka dhashay dagaalka oo muddo saacado ah socda waxaana halkaas gaaraya gurmad labada dhinac ah.

Maamulka Galmudug ayaa dhawaan sheegay inay bilaabayaan howlgalo lagula dagaalamayo Alshabaab oo deegaano badan kaga sugan Galmudug.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com