Ciidamada dawladda oo saakay la wareegay Beledweyne & xoogagga mucaaradka oo dib u qabsaday galbeedka magaalada.

Beledweyn, Sept 28- Ciidamo ka tirsan kuwa dawladda KMG ah ee Soomaaliya, ayaa saakay waabarigii la wareegay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay horay gacanta ugu hayeen kooxaha mucaaradka ah ee dawladda ku kacsan.

Ciidanka dawladda oo labo jaho oo kala duwan ka soo galay magaalada Beledweyn, ayey u suuro gashay gabi ahaanba in ay wakhti kooban kula wareegaan gacan ku haynta magaalada.

Maamulkii gacanta ku hayey magaalada Beledweyn ee Xisbul-Islaam, ayaa iyaguna si nabad-galyo ah uga baxay magaalada waxayna ay u jahaysteen dhanka tuulada Buq-Aqable, oo ku beegan dhinaca bariga galbeed ee magaalada.

Iska hor imaad aan sidaasi u badnayn oo dhacay saakay markii ciidanka dawladdu oo galeen magaalada Beledweyn, ayaa la sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay inkastoo dhawaqa rasaasta laga maqlayey dhammaan daafaha magaalada.

Warar dheeraad ah oo aan goor-dhaweyd ka helanay wariyaha idaacadda Daljir ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in iska hor imaado cusub ay ka bilowdeen qaybo ka mid ah magaaladab Beledweyn gaar ahaan dhinaca galbeed oo horay kooxaha mucaaradku ay ugu xoog badnaayeen.

Iska hor imaadkaasi ayaa wararku tilmaamayaan in ay ka dhasheen khasaarooyin dhaawac oo soo gaaray illaa 3 qof oo uu mid yahay taliye kuxigeenka ciidanka ammaanka gobolka Hiiraan Salaad Xareed.

Xooggaga mucaaradka gaar ahaan kuwa ururla Al-shabaab ayaa dib u qabsaday xaafado ka mid ah galbeedka magalada Beledweyn, waxaana la sheegayaa ciidanka dawladdu in ay iskugu soo urureen Bariga magaalada Beledweyn.

Xaalada kacsanaan ah oo aad u ballaaran ayaa laga dareemayaa gudaha magaalada waxaana hakad ku yimid isku socodkii dadweynaha iyo adeegyadii caadiga ahaa.

Sikastaba ha?ahaatee ma?ahan markii ugu horraysay oo sidaan oo kala loola kala wareego gacan ku haynta magaalada Beledweyn, waxaan tiro ka badan 5 jeer la kala wareegay dawladda iyo kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda.

C/fitaax Cumar Geeddi?
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com