Ciidamada dawladda Federalka oo la wareegay degmada Xudur ee gobolka Bokool.

Xudur, Mar, 22 – Ciidamada dawladda Federalka oo kaashanaya kuwa Itoobiya maanta si rasmi ah ula wareegay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool halkaas oo muddooyinkii dambe ay gacanta ku hayeen ururka Al-shabaab, waxaa qabsashadani timid iaydoon wax dagaal ah ka dhicin gudaha magaalada.

Xildhibaan Axmed Sheikh oo hoggaaminayey ciidamada dawladda ayaa sheegay in dagaal xooggan oo shalay duleedka magaaladaasi ku dhexmaray ciidankooda iyo Al-shabaab ay ku jabiyeen Al-shabaab, ayna taasi sahashay inay si fudud maanta magaaladaasi u qabsadaan.

Waxaa uu intaasi ku daray xildhibaanku inay magaaladu caadi kusoo noqotay uuna si caadi ah u socdo ganacsiga magaalada, iaydoo ay jiraan warar sheegaya in markii Shabaabku ka baxayeen magaaladaasi ay dadka ku amreen inaan la furikarin meherada ganacsiga haddii ciidamada dawladdu magaalada soo galaan.

Waa magaaladii sadexaad oo muhiim ah oo ay qabsadaan ciidanka dawladda oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya tan iyo markii ay ciidamada Itoobiya dalka dib ugu soo laabteen dabayaaqadii sanadkii hore, waxayna horay u qabsadeen magaalooyinka Baladweyn iyo Baydhabo.

Ururka Al-shabaab ayaa badanaa sheega inay xeelad dagaal adeegsanayaan marka arrintaan oo kale ay dhacdo.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com